Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo xarigga ka jaray mashruuca koronto-gelinta 150 xarumo caafimaadka dadweynaha oo lacag la’aan ah, lagana hirgaliyey gobollada dalka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan adeeg koronto oo tayo leh.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada Xukuumadda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha tamarta iyo adeegyada aasaasiga ah, isla markaana uu siin doono xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada tamar awood leh, taasoo kor u qaadaysa tayada adeegyada bulshada.
“Xukuumadda waxa ay diirada saartay in dadku helaan adeeg koronto iyo waxbarasho tayo sare leh. Dhammaan adeegyada dadweynaha waxaa asal u ah koronto awood leh. Korontada aan maanta waddo ee dhamaan Soomaaliya laga hirgaliyey waa koronto deegaanka la saaxiib ah oo loo yaqaan Tamarta Cagaaran, waxaana rajeyneynaa in ay dadka Soomaaliyeed awood u helaan in ay iibsadaan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in tallaabadani ay muhiimad gaar ah u leedahay dalka, isla markaana lagu wajahayo horumar dhanka tamarta ah, Xukuumaddana ay ka go’an tahay in ay sii ballaariso adeegyada korontada si loo xaqiijiyo adeegga bulshada.

Leave a Reply