Sacuudi Carabiya oo khafiifinaysa shuruucda khamrada baarar cusubna furaysa

Riyad ( Raxanreeb Online) Sacuudi Carabiya ayaa fududaysay xayiraadihii saarnaa iibinta khamriga ee loo oggolaa shisheeyaha dalka ku sugan.

Sannadkii hore, dowladda Sacuudiga waxay baar (bar) ka furtay caasimadda dalka, Riyadh, halkaas oo kaliya loo oggolaa in diblomaasiyiinta shisheeye ay ka iibsan karaan khamri. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegeen dhowr wakaaladood oo warar ah, dowladda Sacuudiga ayaa hadda khamriga ka iibinaysa ajaanib kale oo aan Muslimiin ahayn.

Waxaa xusid mudan in khamriga gabi ahaanba laga mamnuucay Sacuudi Carabiya muddo 73 sano ah, laakiin ka dib markii baarkaas laga furay Riyad sannadkii hore, waxaa soo baxay calaamado muujinaya in xayiraadda la fududayn doono.

Sida laga soo xigtay website-ka wararka ee Semaphore, dukaankaas laga furay Riyadh sannadkii hore ayaa hadda billaabay in uu khamri ka iibiyo diblomaasiyiinta iyo sidoo kale muwaadiniinta kale ee aan Muslimiinta ahayn ee haysta barnaamijka “Premium Residency Program” (Ruqsadda Deganaanshaha Sare).

Muwaadin shisheeye ah oo ku sugan Sacuudi Carabiya ayaa u sheegay Bloomberg in uu dhowaan khamri ka iibsaday baarka ku yaalla Riyad.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in iibka aalkolada ee dukaanka ku yaalla Riyadh lagu koobi doono shaqaalaha diblomaasiyiinta ee fadhigoodu yahay boqortooyada, kuwaasoo tobnaankii sano ee lasoo dhaafay khamri kasoo dhoofsanayay dalalkooda iyadoo lagu soo xiray baco si rasmi ahna dalkaas loo soo gelinayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.