Sacuudiga iyo Masar oo Mowqif Adag ka Istaagay Midnimada Soomaaliya

Qaahira (Raxanreeb Online) Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Masar ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo si weyn loogu faaqiday xaaladda Gobolka, iyadoo xoogga lagu saaray difaaca Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

War-Saxaafadeedka ay labada dal wadajirka u soo saareen waxaa ugu muhiimsan.

1.Midnimada Soomaaliya: Labada dal waxay caddeeyeen inay lagama maarmaan tahay in la dhowro gobonimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la diiday faragelin kasta oo dibadda ah.

2. Difaaca Gobolka: Waxaa la isku raacay inaan loo dulqaadan karin wax kasta oo khatar ku ah amniga iyo wadajirka dalalka Soomaaliya, Suudaan, iyo Yemen.

Bayaankan ayaa loo arkaa jawaab toos ah oo ku socota  dalalka damaca ka leh  badda Soomaaliya, taas oo xoojinaysa go’aankii dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa “Inaan taako ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya ah la taaban karin.”

Labada dal ayaa olole wayn ugu jira waqtigan ilaalinta Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya, waxayna dedaal badan gelinayaan sidii meesha looga saari lahaa aqoonsiga ay Telaabiib siisay Somaliland.

Mowqifkan midaysan ee labada quwadood ee Carabta ayaa yimid xilli Masar ay billowday taageero milatari oo toos ah oo ay siiso Soomaaliya, Sucuudiguna uu safka hore kaga jiro ilaalinta midnimada Soomaaliya, taas oo beddeshay loolanka Juqraafi-Siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.