Riyadh ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ku sugan Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa kula kulmay Magaalada Riyaadh, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farxaan bin Cabdullaahi Al-Sacuud. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay taageerada madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaan ayaa muujiyey mahadnaq qoto dheer oo uu u hayo mowqifka taageerada leh ee Sacuudi Carabiya ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo boggaadiyey garab-istaagga joogtada ah ee ay Boqortooyadu la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimada Dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada buuxda ee Boqortooyadu u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey ballan-qaadka Riyaadh ee ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana muujiyey diidmada cad ee ay ka taagan yihiin talaabo kasta oo khatar keeni karta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan, iyadoo sidoo kale la’isla soo hadal qaadey xaaladaha gobolka iyo arrimaha dan wadaagga ah.

Leave a Reply