Safaaradda Talyaaniga ee Kenya oo hakisay bixinta fiisaha Schengen ee codsadayaasha Soomaaliya.

Nairobi (Raxanreeb online) – Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Nairobi ayaa ku dhawaaqday in si deg deg ah loo hakiyay bixinta fiisaha gelitaanka Schengen ee dhammaan codsiyada laga soo gudbiyay safaaradda Talyaaniga Muqdisho ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu wadaagay akoonkooda rasmiga ah ee X (oo hore u ahaan jiray Twitter), Safaaradda Talyaanigu waxay ku xaqiijisay joojinta balse ma aysan sheegin sabab cad oo go’aankan degdegga ah loo qaatay. War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay si degdeg ah u joojisay bixinta fiisaha dal-ku-galka ee Schengen ee dhammaan codsiyadaas oo ay qabanqaabisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho Wixii macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir safaaradda Talyaaniga ee Nairobi.”

Ilaa hadda ma cadda sababta ka dambeysay in shaqada laga joojiyo mana jirto faah faahin intaas ka badan oo laga bixiyay Go’aankan ayaa loo badinayaa in uu saameyn ku yeelan doono codsiyo badan oo Soomaali ah oo codsiyo fiisaha u gudbiyay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho.

Talaabadan ayaa walaac ku abuurtay dadka safarka ah iyo kuwa dalbanaya fiisaha iyadoo dad badan ay safaarada ka sugayaan cadeyn dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ka dambeeya joojinta iyo mudada ay socon karto Waxaa la arki doonaa in joojintan ay saameyn ballaaran ku yeelan doonto xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published.