Saraakiil katirsan maamulka Trump oo soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho

New York ( Raxanreeb Online) Sida ay wararka sheegayaan saraakiil katirsan maamulka madaxweyne Trump, ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda  Mareykanka ee Muqdisho, kaddib khatar culus oo laga muujiyay Al-shabaab.

Wargeyska The Times ee kasoo baxa Mareykanka, ayaa qoray  in qaar ka mid ah Saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Maraykanka ay soo jeediyeen in la xiro Safaaradda uu Muqdisho lana soo soo saaro, Shaqaalaha iyo Dadka Mareykanka ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Saraakiisha ayuu wargeysku sheegay in ay  ka digayaan  in ay Soomaaliya mari karto Wadadii Afgaanistaan sidaa darteedna loo baahan yahay in deg deg hawshan wax looga qabto.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in ay jiraan saraakiil kale oo aamisan in haddii Safaaradda Maraykanka la xiro ay ka dhigan tahay niyad jab weyn oo loo geystay dawladda Soomaaliya,maadaama oo hore lays indho tiray digniinihii uu Maraykanku ka soo saaray weeraradii Muqdisho ka dhacay bishii hore.

Sikastaba dowladda Mareykanka, ayaa muddo dheer waxa ay qeyb ka aheyd howlgalka la dagallanka argagixisada Soomaaliya, balse markii uu xilka qabtay madaxweyne Trump, waxaa jiray saraakiil iyo siyaasiyiin katirsan xisbiga Jamhuuriya, oo sheegay in dowladnimada Soomaaliya aysan soo dhaweyn, sidaas awgeed ay Washington  faraha kala baxo arrimaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.