Sargaal katirsan ilaalada Kacaan Iran oo la xiray ayaa la sheegay inuu ku howlanaa raadinta xogta Nasrallah.

Tehran (Raxanreeb online) – Dilka hoggaamiyihii ururka Xisbullah, Sheekh Xasan Nasrallah, ayaa dhaliyay shaki badan oo la xariira cidda Israa’iil u gudbisay xogta halka uu ku sugnaa hoggaamiyahan  oo ammaankiisa si weyn loo ilaalin jiray, waxaana hadda baaris lagu bilaabay xubno badan oo laga shakisan yahay in xogta bixiyeen.

Sidoo kale, waxaa lasoo warinaayaa in la xiray xubno katirsan ilaalada Kacaanka dowladda Iran, kuwaa oo looga shakisan yahay in ay la shaqeeyeen sirdoonka Israa’iil ayna bixiyeen xogta horseeday in la dilo hoggaamiyihii ururka Xisbullaah.

Dhanka kale, dadka ilaa hadda la xir xiray si gaar ahna kiisaskooda loo baarayo ee la tuhmay in ay la shaqeeyaan sirdoonka Israa’iil ayaa waxaa ku jira xubnaha ay qoysaskooda degganyihiin meelo ka baxdan gudaha dalka Iran iyo kuwa u safray dalka Lubnaan.

Sargaal katirsan ilaalada Kacaan Iran oo la xiray ayaa la sheegay inuu ku howlanaa raadinta xogta Nasrallah, ka hor inta aan la dilin oo ay ku jirto goobta uu ku suganyahay iyo illaa muddada uu joogo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa ilo ka tirsan Iran.

Ayatullaah Cali Khumeni ayaa la sheegay in uu damacsanaa in hoggaamiyaha Xisbullaah soo dejiyo gudaha Iran si loo badbaadiyo, waxa uuna hoggaamiyahan u diray Lubnaan sargaal sare oo katirsan ilaalada Kacaanka si uu Nasrallah uga soo dhaadhiciyo in Iran usoo guuro, hasa ahaatee labadoodaba duqeyn ayaa lagu dilay.

Boqolaal xubnood oo katirsan ururka Xisbullaah ayaa sidoo kale gudaha Lubnaan lagu xir xiray, kuwaa oo tuhun uu soo galay, waxaana dadka la xir xiray ku jira xubnihii soo iibiyay nidaamkii isgaarsiinta Xisbullah ee Israa’iil  qarxisay.

Ugudambeyn, dowladda Iran ayaa sidoo kale meel qarsoodi ah dejisay hoggaamiyaha ugu sarreeya Kacaanka Iran Ayatullah Cali Khumeni, kaa oo laga cabsi qabo in Israa’iil disho, waxaana hoggaamiyahan laga qariyay cid kasta oo bixin karta xogtiisa iyo halka uu joogo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.