Shir looga hadlayo sidii looga hortagi lahaa qaraxyada macmalka oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga eexukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta ka qaybgalay kulanka ansixinta Qorshaha Qaranka ee Ka-hortagga Qaraxyada Macmalka ah (C-IED), oo ay sidoo kale ka qayb-galeen Lataliyaha Amniga Qaranka iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa caddeeyay go’aanka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ah in la xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si wax looga qabto halista qaraxyada ay adeegsanayaan kooxaha argagixisada..

Waxa uu carrabka ku adkeeyay wasiir Fiqi, in hirgelinta istiraatiijiyaddan ay ku salaysnaan doonto midnimo iyo masuuliyad wadaagga hay’adaha qaranka ee qaabilsan amniga, iyadoo si dhow loola shaqaynayo saaxiibbada caalamka.

Sidoo kale Wasiirada Gaashaandhigga iyo amniga ayaa bogaadiyay Laanta La-socodka Hubka, Rasaasta iyo Walxaha Qarxa ee Xafiiska Amniga Qaranka, dadaalkooda joogtada ah ee ku aaddan diyaarinta iyo isku-duwidda qorshahan, si loo hubiyo badbaadada shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.