Shirka golaha wadatashiga Qaran ayaa wali laisku fahmi la’yahay arrimo laxiriira doorashada qof & cod ah.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Shirka golaha wadatashiga Qaran oo labo maalin kahor ka furmay magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaayaa in wali laisku fahmi la’yahay arrimo laxiriira doorashada qof & cod ah.

warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ku adkeystay in dowlad goboleedyada aan lasiinin muddo kordhin ayna qabsadaan doorashadooda bisha November ee sanadkan 2024-ka.

Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay haddii laqabanaayo doorasho qof & cod in ay muhiim tahay in shirka laga soo qeyb galiyo Puntland & SSC-Khaatumo oo hadda madasha shirkan ka maqan.

Puntland ayaa shirkan ka maqan iyadoo kal fadhiyadii hore ka maqneyd sababo laxiriira khilaafka ka dhexeeyo villa Somalia iyo Puntland, sidoo kale SSC-Khaatumo madashan qeyb kama ahan walow fadhigii hore ay qeyb ka aheyd shirka, balse lama oga waxa hadda aan looga soo qeyb galinin fadhigan

Leave a Reply

Your email address will not be published.