Garoowe ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumada Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga , Siyaasada iyo arrimaha ban’aadantinimo.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Hawlgalka lagula jiro kooxda Daacish ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay maamulka Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada.
Geesta kale warar qaar ayaa sheegaya in Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kala hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka sidii loo xalin lahaa, iyada oo la tilmaamay in James Swan uu dhankiisa sheegay in dedaal badan uu ku bixin doono sidii loo xalin lahaa khilaafka labada dhinac.
Sikastaba, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa dhowaan booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland, isaga oo la kulmay Axmed Madoobe hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, waxaana kulanka labada dhinac lagu sheegay in looga hadlay xalinta khilaafka daba-dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Leave a Reply