Beledweyne (Raxanreeb online) – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa tababar u soo xiray 15 ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala magaalada baladweyne ee xaarunta gobolka hiiraan kaasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu tayeynayo warbixinnada isbeddelka cimilada iyo cadaaladda cimilada dalka.
Tababarka suxufiyiinta oo socday muddo saddex maalmood ah, ayna ka qeybgaleen 15 wariye ayaa lagu qabtay magaalada baladwyne intii u dhaxeysay 20-22 OCTOBER SJS oo maalgelinaysa Hay’adda Medico International ayaa 15 Suxufi oo Maxali ah oo ay ku jiraan Gabdho Wariyaal ah.
Baladweyne oo ah magaalo ku taalla bartamaha Soomaaliya, waxay dhibbane u tahay fatahaado soo laalaabta oo dadka iyo duunyada aafeeyay.
Bishii Disembar 2023 oo kaliya, tusaale ahaan, waxay hay’adaha bani’aadannimadu diiwaangaliyeen in 90% dadka magaalada ay barakeceen iyadoo 85% guryaha magaalada ay biyaha soo galeen. Daadadka waxay ka dhashaan Wabiga #Shabeelle oo qararka jabsada ka dib markuu buux dhaafo.
Fatahaadda ka sokow Beledweyne iyo guud ahaan Hiiraan waxay sidoo kale wajahayaan raadadka ay reebeen abaarihii is xigxigay ee dalka ku dhiftay waayo Hiiraan waa gobollada xoolaha nool iyo beeraha ay dadka noloshuudu ku tiirsan tahay.
Tani waa calaamad ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada ku yeelanayo dadka- waliba kuwa ugu nugul. Waxaa intaa dheer khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha joogtada ah oo ay dheer yihiin weerarada argagixisada.
Toddobaadkan, Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa markale isu keentay suxufiyiinta ka hawlgala gobolkan si ay ugu tababartaan, uga doodaan, xalna ugu raadiyaan dhibaatada isbeddelka cimillada ee Beledweyne.
Sheegista sheekadu waa tallaabada koowaad ee helista xalka. War hele ayaa talo hela.
Tababarrada #SJS ee saxaafadda isbeddelka cimillada waxaa si xarago leh u taageeray Shabakadda #MEDICO.
Leave a Reply