Somaliland: Dhameystirka heshiiskii Itoobiya ayaan saxiixi doonaa dhowaan

Hargeysa (Raxanreeb online) – Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa maanta diblomaasiyiinta ku sugan Hargeysa la wadaagay, iyagoo ku dhawaaqay in heshiiskii Isfahamka (MoU) ee Somaliland iyo Itoobiya la soo gabagabeeyay, waxaana la filayaa in heshiis sharci ah oo rasmi ah dhowaan la saxiixo.

Tani waa warbixintii labaad ee weyn ee la xiriirta MoU-ga, tan iyo markii markii ugu horreysay bishii Febraayo la shaaciyey, Somaliland-na ay ku adkeysatay in ay “si toos ah ugu socoto” hirgelinta heshiiska. Geeddi-socodka waxaa taageerayay koox farsamo, khubaro sharci oo caalami ah, iyo koox talobixin heer sare ah.

“Waxaan maanta halkan ka shaacinayaa in wadaxaajoodkii heshiiska isfahamka ee u dhexeeyay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya la soo gabagabeeyay, heshiiska rasmiga ahna dhawaan la saxiixi doono. Tani waa guul,” ayuu yiri Dr. Essa Kayd, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Inkasta oo Itoobiya inta badan ka aamustay arrintan, warbaahinta Itoobiya ayaa soo werisay in bishii Janaayo, xubnaha Guddiga Fulinta iyo Guddiga Dhexe ee Xisbiga Talada Haya ee Prosperity Party ay go’aansadeen in MoU-ga loo beddelo heshiis ficil ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Essa Kayd oo diblomaasiyiin kula kulmay Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Essa Kayd oo diblomaasiyiin kula kulmay Hargeysa.

Intii uu socday kulanka, Wasiir Kayd ayaa sidoo kale muujiyay walaaca uu ka qabo joogitaanka sii kordhaya ee ciidamada milatariga Masar ee Soomaaliya oo deris la ah, isagoo xoojinaya culeyska sii kordhaya ee amniga gobolka.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa si cad uga soo horjeestay dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ciidamada Masar la keeno dalka, isagoo u arkay inay arrintani la xiriirto MoU-ga.

Laftagareen ayaa mar kale xaqiijiyay sida maamulkiisu uga go’an yahay in uu sii wado iskaashiga dhinaca amniga ee ay la leeyihiin Itoobiya, isagoo sheegay in Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee amniga ka haya Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Essa Kayd, ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddu ay go’aansatay in si rasmi ah loo xiro “Maktabadda Dhaqanka Masar” ee Hargeysa, sababo la xiriira walaacyo amni oo halis ah.

“Dhammaan shaqaalihii waa la siiyay 72 saacadood inay dalka kaga baxaan,” ayuu raaciyay.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo Masar ay dhowaan taageero milatari siisay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto bixinta hub iyo rasaas loogu talagalay Muqdisho.

Xaaladda ayaa sii xumaatay khilaafka mudada dheer ka taagan biyaha webiga Niilka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar awgeed.

In kasta oo Somaliland ay heshiis is faham ah (MoU) ay la gaartay Itoobiya, haddana dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale heshiis amni oo gooni ah la gashay Masar, taasoo sii adkeysay xasaradaha gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.