Soomaalida kunool magaalada Islii ee caasimadda Nairobi oo banaanbax ka dhigay xaafada Islii.

Nairobi (Raxanreeb online) – Waxaa maanta xiran gabi ahaan ganacsigii ka jiray xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka, waxaana halkaasi ka socda dibadbaxyo ay dhigayaan ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee degan Islii.

Sidoo kale, dibadbaxan maanta ka socda xaafada Islii ee magaalada Nairobi , ayaa ah mid caddaalad loogu raadinayo hooyo iyo labo gabdhood oo mid ay dhashay midna habayar u ahey oo lagu dilay magaalada Nairobi laguna tuuray meydadkooda xaafado katirsan magaalada.

Dhanka kale, dilkan loo geestay haweenkan Soomaaliyeed , ayaana argagax iyo cabsi badan ka abuuray magaalada Nairobi, waxaana laamaha ammaanka wali wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan dilka ah argagaxa lahaa iyo sidii loo soo qaban lahaa dadkii geestay.

Ugudambeyn, dadka Soomaaliyeed ee maanta dhigayay dibadbaxa ayaa ugu baaqay dowladda in ay si deg deg ah usoo qabto dadkii ka dambeeyay dilka gabadha Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale dalbanayeen in dadkaasi caddaaladad la horgeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.