Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay Muqdisho Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Mareykanka (Chargé d’Affaires) Justin Davis, si loo adkeeyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, kobcinta wada-xaajoodyada siyaasadeed, iyo isku-duwidda dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladeed.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay Dowladda Mareykanka u aragtaa saaxiib istaraatiiji ah, iyadoo ay kaalin joogto ah ka qaadato taageerada bani’aadannimo iyo tan amni, isla markaana door muhiim ah ka ciyaarta xasilloonida qaranka iyo horumarinta hay’adaha dowliga a” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya.

Leave a Reply