Soomaaliya oo saxiixday heshiis ay Addis Ababa qeyb katahay +ujeedka saxiixa heshiiska.

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Shalay waxaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ka dhacay saxiix ay qeyb weyn ka aheyd Soomaaliya iyo dalal kale, sida laga soo xigtay Warbaahinada ka howlgala gudaha dalka Ethiopia.

Sidoo kale, saxiixan oo ahaa qorshaha guud ee dalxiiska waara ee sanadka 2024-2034, ayaa waxaa saxiixay wasiiradda dalxiiska Urur goboleedka IGAD.

Waxaa kulankan ka baaqsaday wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Daa’uud Aweys, taas oo bedelkiisa uu u wakiishay saxiixan Danjiraha Soomaaliya ufadhiya Midowga Africa iyo dalka Ethiopia Cabdullaahi Warfaa.

Dhanka kale, Cabdullaahi Warfaa oo wakiil buuxa kulankan uga ahaa Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Soomaaliya usaxiixay qorshaha dalxiiska 2024-2034, kaas oo ay qeyb ka ahaayeen waddamada ku Midoobay Urur goboleedka IGAD.

Saxiixan heshiiska dalxiiska ee Soomaaliya qeybta katahay ayaa kusoo beegmaya xili xiisada Soomaaliya iyo Ethiopia ay mareyso herkii ugu xumaa abid, taas oo geed fadhi u ah heshiiska muranka badan dhaliyay ee dowladda Ethiopia lasaxiixatay Soomaaliland.

Heshiiskaasi oo ay dowladda Soomaaliya siweyn uga hortimid, iyadoona cadeysay mowqifkeeda iyo halka ay kataagan tahay difaaca dhulkeeda iyo madaxbanaanideeda dhuleed.

Waxaa iyadana fashil kusoo dhamaaday wadahadalo ay garwadeen ka aheyd dowladda Turkiga, kaas oo lagu doonaayay in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Ethiopia, kaas oo hadda wejigiisa saddexaada loo balansanyahay in uu markale ka qabsoomo magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga inta lagu gudajiro bishan September.

Ugudambeyn, Xiriirka labada xukuumadood ee Soomaaliya iyo Ethiopia ayaan bilihii lasoo dhaafay fiicneyn, iyadoo muddooyinkii dambe hawada isku marinaayay hadalo xanaf leh oo marba marka kadambeyso kicinkara xiisad colaadeed oo ka dhalata gobolka geeska Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.