Sudan: dagaal aroos ka biloowday oo ay ku dhinteen 57 ruux

Sudan (Raxanreeb Online) Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa ku waramaya in mid kamid ah dagaalyahannada kooxda RSF ee ka dagaallanta dalka Sudan, oo go’aansaday inuu guursado gabar uu horey kufsi ugu geystay, uu ku geeriyooday goobtii arooska.

Dhacdada ayaa timid inta lagu jiray munaasabadda arooska, ayaa saaxiibkiis oo isagana ka tirsan ciidanka RSF oo ninka arooska u tagay si uu ugu hambalyeeyo, wuxuu iskudayay inuu xabbado dabaal-deg ah kor u rido, balse xabbadii waxay ku dhacday ninkii arooska oo meesha ku geeriyooday.

Xaaladaas waxay dhalisay dagaal toos ah oo ka dhex qarxay ninka xabbada kama’da ah ku dilay arooska iyo qoyska ninka arooska ahaa ee geeriyooday, waxaana isku dhacaa ka dhashay dhimashada 57 qof oo kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.