Taliyaha ciidanka AUSSOM oo booqday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose

Bariire ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma ayaa booqday magaalada Bariire ee dhowaan dib ay ula wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM. Taliyaha ayaa xorraynta ku tilmaamay guul wayn oo loo qaaday dhinaca nabadda & amniga Soomaaliya.

S/Guud Kavuma, waxaa wehlinayay mas’uuliyiin kale oo militari oo sarsare, waxa uuna carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leeyihiin dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan ciidamada AUSSOM iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Lugta ee Soomaaliya, S/Guuto Khaalid Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay AUSSOM iyo saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay siinayaan hawlgallada ciidanka amniga Soomaaliyeed, halka Taliyaha Guutada Ciidanka Uganda, S/Guuto Joseph Musoke Ssemwanga uu ku celiyay sida AUSSOM ay uga go’an tahay Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya.

Magaalada Bariire, oo ku taalla Shabeellaha Hoose, waxaa la xorreeyey Jimcihii la soo dhaafay ka dib hawlgal militari oo baaxad weyn leh isla markaasna socday labo toddobaad oo ay si wadajir u fuliyeen ciidanka AUSSOM, Kuwa Uganda ee UPDF iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed

Leave a Reply

Your email address will not be published.