Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga, G/le Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada Lixaad, kuwaas oo muddo tababar uga socday Taliska Guutada 6-aad duleedka degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidankan ayaa noqonaya qeyb ka mid ah geesiyaasha dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab oo muddo dheer dhibaateynayey shacabka. Taliyaha ayaa kula dardaarmay in wixii la baray lagu muujiyo fagaarayaasha dagaalka.
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada ciidamada si ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca dalka.
Shabeellaha Hoose, waxaa ka socda howlgalladii ugu cuslaa ee lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab, waxaana howlgalladii ugu dambeeyey ciidanka xoogga ay deegaanno badan oo ay maamuli jireen Al-shabaab ka sareen.

Leave a Reply