Balcad (Raxanreeb online) – Faahfaahino dheeraad ah oo naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo horleh ay ka bilaabeen gobolkaasi.
Sida ay kusoo waramayaan ilo dadka deegaanka ah, kooxda Al-Shabaab ayaa fariisimo cusub haatan waxa ay ka sameysatay aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo culus.
Sidoo kale, tiradii ugu badneyd kooxda Al-shabaab ayaa isugu tegay deegaanka lagu magacaabo Mukadheere, oo ku dhow jiinka wabiga Shabelle ee mara halkaasi.
Dhanka kale, wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in markii hore kooxdan ay kasoo dhaqaaqeen dhanka deegaanka Yaaqle oo isna Balcad hoostaga, kadib markii lagu duqeeyay maalmihii lasoo dhaafay, kadib howlgallo iyo dagaallo culus oo ka dhacay halkaasi.
Sidoo kale, soo boos badalshada Al-shabaab ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii culeys uga yimid duqeymaha ay wajahayaan oo la kordhiyay, gaar ahaan aagga deegaanka Xawaaleyd ee gobolka Shabeelaha Dehxe.
Deegaanka Yaaqle ayaa haatan waxaa lagu soo waramayaa in laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, kaddib markii ay halkaasi gaareen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Sikastab, Shabeelaha Dhexe oo kamid ah meelaha uu ka bilowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa weli ka soconayo howlgallo la’isugu furayo deegaanada gobolkaasi.
Leave a Reply