Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in Dimuqraaddiyiinta dalkaas “aysan lahayn hoggaamiye” uu kala xaajoon karo soo afjaridda shaqada dowladda ee istaagtay, isagoo duray hoggaamiyaha sanatarrada laga tirada badan yahay ee Chuck Schumer.
“Ma garanayo in Schumer uu awood leeyahay. Waxaan eegaa hoggaankiinna. Ma garanayo cidda aan la hadlo.”
Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo laga cabsi qabo in shaqo joojinta dowladda ay gasho toddobaadkii labaad xilli Xafiiska Maamulka iyo Dakhliga ee Aqalka Cad uu diiday in mushaarkooda la siiyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda lagana yaabo in la eryo kuwo kale.
“Waxaa inoo yaalla waxyaabo badan oo aan soo afjari doonno gebi ahaanba,” ayuu madaxweynuhu u sheegay mar uu aqalka Oval Office kula hadlayay weriyeyaasha halkaasoo uu ku martigeliyay raysal wasaaraha Canada Mark Carney.
“Dimuqraaddiyiintu malaha hoggaamiye. Waxay isoo xusuusinayaan Soomaaliya,” ayuu yiri Trump.
Khilaafka u dhaxeeya Ilhaan Cumar iyo madaxweyne Trump ayaa muddo dheer soo taxnaa, xitaa muddo-xileedkiisii hore.
Xilligii uu Madaxweyne Trump ku jiray ololaha doorashada, waxaa aad loo xusuusta hadal uu ka yiri Soomaalida ku nool Mareykanka oo ahaa in falal argagixiso ay kusoo kordhiyen Minnesota, oo haddii la doorto uu ka hortagi doono qulqulka qaxootiga iyo muhaajiriinta Soomaalida.
Tan iyo markii la soo doortay Ilhaan Cumar, waxay fursad kasta oo soo marta u adeegsatay inay weerarto siyaasadaha Donald Trump, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa markii ay ka hadashay hakadkii ku yimid adeegyada dowladda kadib markii Madaxweyne Trump uu Aqalka Kongreska ka dalbaday dhaqaale lagu dhisayo derbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, si uu u ansixiyo dhaqaalaha lagu kala wadayo adeegyada dowladda.

Leave a Reply