Turkiga oo aqoonsiga Israa’iil ku tilmaamay nasiib darrada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland

Ankara ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibada dalka Turkiga Hakan Fidan, oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka ayaa nasiib daro weyn oo ku dhacday Somaliland ku tilmaamay aqoonsiga ay israa’iil siisay jamhuuriyadda iskeeda madaxbanaanida ugu dhawaaqday.

Waxa uu sheegay in uu u arko aqoosiga Israa’iil ay Somaliland siisay musiibo weyn oo ku dhici karto maamulka iyo shacabka Somaliland, haddii aysan waqti hore ka fiirsan, isla markaana waxa uu carabka ku adkeeyay in arrintani ay tahamid khatar ah.

 “Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaada bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay” ayuu yiri Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Sidoo kale wasiirka ayaa intaas ku daray  “Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.”

Sikastaba, dalal badan oo caalamka ku yaalla ayaa meel adaga ka istaagay aqoonsiga Somaliland ay ka heshay dowladda Israa’iil, iyaga oo sheegay in ay ka shaqeeyn doonaan midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, talaabada Israa’iil ku tilmaamay mid aan soconeynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.