UPDF oo bilowday baaritaan ku aadan shil diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya.

Kampala (Raxanreeb online) – Milatariga Uganda ayaa Jimcihii ku dhawaaqay baaritaanno ku saabsan diyaarad helikobter ah oo milateri oo ku dhacday Soomaaliya halkaasoo afar ka mid ah nabad ilaalinta ay ka badbaadeen shilka, afhayeen u hadlay ayaa yiri.

Felix Kulayigye, oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in baaritaano lagu ogaan doono waxa sababay burburka diyaarada oo ah nooca ciidamada Uganda ee burburay wax yar kadib markii uu ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.

Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradaasi ay ka soo duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday garoonka Belidoogle oo qiyaastii 90-km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, waxaana saarnaa afar qof.

“Diyaaradda [chopper] waa ay soo degtay, dhammaan dadkii saarnaana way bad qabaan [waa badbaadeen]. Mar kasta oo uu shil diyaaradeed dhaco waa in baaritaan la sameeyaa,” ayuu yiri Kulayigye.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.