Venancio oo ku wajahan Mozambique iyo cabsi laga qabo in rabshado ka dhacaan Mozambique

Mozambique (Raxanreeb online) – Dalka Mozambique, waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday qalalaase xooggan oo saameyn xun ku yeeshay qeybo badan oo kamid ah dalkaasi, kaddib markii taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka dalkaasi dhigeen dibadbaxyo rabshado badan watay.

Sidoo kale, doorashadii ka dhacday dalka Mozambique, ayaa dhalisay qalalaase iyo rabshado aad u xooggan, kaddib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ku dhawaqeen in doorashada ku guuleestay Daniel Chapo oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Frelimo.

Dhanka kale, hoggaamiyaha mucaaradka dibad jooga ee dalka Mozambique, Venancio Mondlane ayaa shaaciyay in dalkiisa ku laabanayo maalinta Khamiista, waxaana mar kale laga cabsi qabaa in dib usoo cusboonaadaan rabshado hor leh oo ka dhasha imaanshaha hoggaamiyahan mucaaradka ah.

Fariin uu soo dhigay Venancio Mondlane barihiisa bulshada, ayuu ku shaaciyay in uu imaanayo maalinta Khamiista, waana kahor inta aysan dalkaasi ka dhicin dhaarinta iyo caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee ku guuleestay doorashadii dhacday.

Sikastaba, dowladda, ayaan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonto haddii uu dalka kusoo laabto hoggaamiyaha mucaaradka, waxaana laga yaabaa in dowladda kahor tagto in hoggaamiyahan mucaaradka ku ah uu dalka soo galo, waxaana taasi laga cabsi qabaa in mar kale abuuraan rabshado hor leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.