Waa kuma taliyaha cusub ee loo magacaabay hoggaanka baarista dambiyada ee C.I.D ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Taliye cusub oo loo magacaabay hoggaanka Hay’adda Dambi baarista ee C.I.D-da ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ibraahim Dhaayow ayaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee C,I.D-da, isagoo bedelaya taliyihii hore ee xilka laga qaaday ee Sadiiq Doodishe.

sida ay sheegayaan ilo wareedyo rasmi ah, Dhaayow waa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka booliska, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada ilaalada madaxtooyada, isagoo ka qeyb qaatay howlaha sugidda amniga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. hayeeshe warar kale ayaa tilmaamaya inuu sidoo kala ahaa darawalkii gaariga madaxweyne Xasan Sheekh.

Laanta dambi barista booliska ayaa u xil saran dabagalka dambiyada dhaca fududeynta howlaha baaris iyo dabagalka latuhmayo iyo la shaqeynta booliska caalamiga ee Interpol si loo soo qabto dadka damiyada gala ee dalka ka baxsada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.