Waa sidee xaalada deegaanka Yaaqbiriweyne oo dagaal uu ka dhacay shalay galinkii hore?

Yaaqbiriweyne (Raxanreeb online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal shalay galinkii hore ku dhexmaray ciidanka maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka deegaanka Yaaqbiriweyne, halkaas oo saakey laga dareemaayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Sidoo kale, dagaalkan oo socday saacado badan ayaa waxaa lagu soo waramaay in ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 15 ruux halka ay ku dhinteen tiro gaareysa 20 qofood sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka.

Dhanka kale, deegaanka uu dagaalka ka dhacay shalay ayaa maanta laga dareemayaa xaalada kacsanaan ah, iyadoo ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan in laga dareemayo halkaasi, waxaana laga cabsi qabaa in uu markale halkaasi uu dagaal ka qarxo maanta.

Dadka deegaanka Yaaqbiriweyne ayaa durba bilaabay in ay isaga barakacaan deegaanka, maadaama ay marar badan halkaas ka dheceen dagaalo badan oo udhexeeyo ciidanka deegaanka Yaaqbiriweyne iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday dhankooda, b ay iska difaaceen ayna khasaare dhimasho leh gaarsiiyeen ciidanka soo weeraray, gaadiidna ay ka gubeen, sida uu hadalka u dhigay.

Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed, oo ku aadan dagaalada kusoo laa laabtay halkaasi.

Sikastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay ugu eedeysay ciidanka Yaaqbiriweyne inay isbaarooyin soo dhigteen halkaasi, waxaana sidaas uga dhex qarxay dagaalka oo saameyntiisa laga dareemay guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published.