Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Warsheekh

Warshiikh ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab oo saakay ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan oo laba jeer laisku laabtay ayaa si gaar ah uga dhacay Ceelka Jabad Godane ee duleedka degmada Warsheekh.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka lagu jabiyay kooxaha Al-shabaab , iyadoo lagu burburiyay gaadiidkoodii dagaalka, laguna laayay dhammaan maleeshiyaadkii ku sugnaa goobta.

Sidoo kale ciidamada dowladda  iyo kuwa Deegaanka ayaa muujiyay awood dheeraad ah iyo go’aan adag, iyagoo weerarka si adag u fuliyay.

Saraakiisha ciidanka dowladda, ayaa sheegay in howlgalka uu u dhacay sidii loogu talagalay, isla markaana laga hortagay qorsho ay damacsanayeen Al-shabaab.

Taliska ciidanka xoogga, weli ma bixin faah faahin ku aadan khasaaraha ciidanka huwanta ah dagaalka saakay ka soo gaaray.

Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa ka socda abaabul dagaal oo ay wadaan ciidana xoogga iyo kuwa deegaanka, waxaana qorshaha uu yahay mid ciidamadu ay ku donayeen in degmooyinka ay ku sugan yihiin Al-shabaab gobolka laga saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.