Wasiirka arrimaha dibadda ee XFS oo booqday xarunta xasuusta Kigali ee …

Kigali ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa booqasho ku jooga magaalada Kigali, caasimadda dalka Rwanda, ayaa booqasho sharafeed ku tagay Xarunta Xusuusta Kigali (Kigali Memorial) iyo Matxafka Ololaha Lagaga Hortagay Xasuuqa ee ku yaalla Baarlamaanka Rwanda halkaas oo uu xusuus iyo tixgelin u muujiyay dhibbanayaasha xasuuqii 1994 ee lagu laayey dadka Tutsiga.

Rwanda ayaa ka mid ah dalalka ka soo kabtay dagaalladii sokeeye ee burburiyay dalkooda, waxayna maanta tusaale u tahay sida dib-u-heshiisiin, nabad iyo midnimo qaran lagu gaari karo horumar waara. Xasuuqii dalkaas ka dhacay sanadkii 1994 waxaa ku geeriyooday ku dhowaad hal Milyan oo qof, halka malaayiin kalena ay barakac iyo dhibaatooyin kale la kulmeen.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay ka wada shaqeynayaan horumarinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.