Muqdisho (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa booqasho ku imaan doona Soomaaliya, waxa uuna la kulmi doonaa madaxda ugu sareeysa dalka, isaga oo kala hadli doona qqodobo kala duwan.
Sidoo kale Wang Yi, ayaa safarkiisa waxa uu ku mari doona dalalka kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Tanzania, iyo Lesotho, ka dib markii casuumaad loo fidiyay laga bilaabo manta oo ah 7-da Janaayo ilaa 12-ka, sida uu ku dhawaaqay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha.
Afrika waxay ahayd meesha ay u socdaalaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Shiinaha muddo 36 sano oo xiriir ah.
Wang, oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona xafladda furitaanka ee Sannadka ee xirriirka Shiinaha iyo Afrika ee xarunta Ururka Midowga Afrika, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

Leave a Reply