Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka hadlay dagaalka ka socda koonfurta dalka

Garoowe ( Raxanreeb Online) Maxamed Cabdiwahaab wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Puntland, ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya aysan laheyn hoggaanka dowladeed oo si mabda’ leh ula dagaalamo kooxda Al-shabaab, taasina ay keentay in magaalooyin badan oo ku yaalla Koonfurta ay gacanta u gashay Shabaab.

Wasiirka oo ka hadlayay xaalada amni ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dayaca iyo daruufta ay keentay in argagixisada ay qabsadaan meel badan oo dalka kami ah.

“Koonfurta dalka argagixisada ayaa qabsatay, hau sahasho duruuf ama dayac mid ay taheyba, sababta ugu weyn waa inaysan heysan hogaan dowladeed oo leh aragti mideysan iyo mabda loola dagaalamo argagixisada” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda ee Puntland.

Sidoo kale wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray inay jiraan Wiilal iyo Gabdho geesiyaal ah oo la dagaalamaya argagixsada, balse aan helin hoggaan dowladeed iyo dedaal mideysan oo lagula dagaalamayo fikirka xaqjirka, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee argagixsada u suura gelisay in ay qabsadaan Koonfurta dalka.

Sikastaba, hadalka wasiirka Cadaaladda ee Puntland, ayaa ku soo aadaya xili qeybo kamid ah deegaanada maamulada Hir-shabeelle, Galmudug, ay ka socdaan dagaallo ka dhan kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.