Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).
Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimaha difaaca iyo amniga iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo adkeeyo difaaca shacabka iyo ciribtirka Shabaabka ku sugan deegaanada ka tirsan Gobolka Gedo.
Kulanka maanta Muqdisho ku dhex maray wasiirka Gaashaandhigga iyo guddoomiyaha gobolka Gedo, ayaa ku soo aadaya xili saacadihii lasoo dhaafay ciidanka dowladda ay dagaalka ku qadeen deegaanka birta Dheer oo ku sugnayeen maleeshiyaad katirsan kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply