Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray magaalada Hargeysa xili uu safar kayimid.

Hargeysa (Raxanreeb online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka maanta xireen xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo katirsan Golaha Wakiillada maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa xilli uu kasoo degay, waxaanu wararka sheegayaan in xildhibaanka uu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadlin xariga garoonka Hargeysa loogu geestay xildhibaan Maxamed Abiib, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay golaha Wakiillada uu katirsanaa xildhibaanka la xiray.

Sikastaba, Xildhibaan Maxamed Abiib oo laga soo doortay gobolka Awdal , ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn mucaaradka ugu ah siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana dhawaan fashilmay isku day la doonayay in xildhibaanka xasaannada looga qaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published.