Xildhibaannada Golaha shacabka oo soo gaba-gabeeyay dooda laxiriira arrimaha Canshuuraha.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 18-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, ajendaha kulanka ayaa ahaa dhameystirka ka doodista soo jeedinta mooshinka Xildhibaannada ee ku saabsan arrimaha canshuuraha iibka iyo cabashada ganacsatada gobolka Banaadir.

Dhanka kale, dooda Xildhibaannada oo soo socotay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabku yeeshay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana dooda ka qeyb galay oo aragtooda ka dhiibtay soo jeedinta canshuuraha iibka 85-Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda loo xilsaaray iney Golaha Shacabka kusoo celiyaan arrimaha ay ka doodeen Xildhibaanada iyo cabashada ganacsatada.

“Guddiyada shaqo adag ayay hayaan waxaa inoo maqan saddex guddi, maanta Guddiga Maaliyadda ayaa arrintan dooda canshuuraha u saareynaa muddo kooban waa in Golaha Shacabka warbixin faahfaahsan usoo gudbiyaan, wixii sharciga waafaqsan iyo arrintaan culeyskeeda waxa keenay”, ayuu yiri Aadan Madoobe.

Ugudambeyn, guddoomiyaha ayaa sheegay in warbixinta Guddiga Maaliyadda ka dib ay Golaha Shacabka  go’aan rasmi ah soo saari doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.