Xizbullah iyo Isra’iil oo weeraro duqeymo ah isugu jawaabay + khasaaraha ka dhashay.

Tel Aviv (Raxanreeb online) – Diyaaradaha dagaalka maamulka Yahuuda ee Isra’il ayaa Arbacadi madaafiic ku garaacay magaala xeebeedka Suur ee galbeedka dalka Lubnan, halka Xisbullah ay sheegtay in ay madaafiic ku garaacday magaalada Tel Aviv.

Sidoo kale, Wakaaladda wararka Lubnan ee NNA ayaa ku warrantay in duqeyn kale oo ay ciidamada Isra’il ku beegsadeen magaalada Macrakah lagu dilay saddex qof, halka magaalada Suur wali lama soo sheegin khasaaraha rayidka.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa dhankeeda sheegtay in ay gantaallo dhowr ah ku ridday Isra’il, kuwaas oo ay ku jireen laba madfac oo sababay in seeriga digniinta madaafiicda laga dhawaajiyo magaalada Tel Aviv.

Isra’il waxay sheegtay in afar madfac oo soo galay hawada Isra’il ay laba ka mid ahi uga hortageen hubka difaaca cirka, mid ka kalana uu ku dhacay dhul furan. Ma aysan sheegin khasaaro dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay gantaallada ku dhacay Isra’il.

Tel Aviv ayaa waxaa ku suganaa xalay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo booqashadiisii 11-aad ku jooga halkaas, tan iyo 7-badi October ee sannadki hore, markaas oo billaabatay colaaddan lagu hoobtay ee hadda ka socota Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Xisbullah ayaa Arbacadi xaqiijisay, in Isra’il ay duqeyn ku dishay Hashim Seyfuddiin, oo aad loo filyay in uu noqon lahaa ninki baddali lahaa hogaamiyihi hore ee Xisbullah, Xasan Nasrallah, kaas oo ay Isra’il khaarijisay dhawaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.