Nairobi ( Raxanreeb Online) Sida ilo wareedyo ay inoo shegeen madasha samata-bixinta mucaaradka ayaa saddex xubnood oo ka tirsan Madasha maanta u direysa magaalada Nairobi, halkaas oo ay joogaan hoggaamiyaasha Jubaland iyo Puntland oo siyaasad ahaan Madasha la saf ah.
Wadahadallada dhexmaraya Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Madoobe iyo xubnaha ka socdo Madasha mucaaradka ayaa la filaya in diiradda lagu saaro xaaladda siyaasadeed iyo qaabka ugu habboon ee loo wajahayo wadaxaajoodka lala geli doono Villa Soomaaliya.
Maamulada Jubbaland iyo Puntland, ayaa wada kulamo ay uga hadlayaan sidii loo soo afjari lahaa xiriirka dowladda federaalka oo muddooyinkii dambe mugdi soo galay, iyo sidii caqabadaha jira looga gudbi lahaa.
Sikastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay in xaliso cabashooyinka ay qabaan maamulada Puntland iyo Jubbaland, isla markaana miiska wada-hadalka ay ku soo laaban doonaan, si loo sii amba qaadi geedi-socdka dowladnimada Soomaaliya.

Leave a Reply