Baardheere ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Ceel Cilaan oo 30-KM dhanka bari kaga began degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ciidanka u suuragashay ku dileen 5 xubnood oo katirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.
Xubnaha howlgalka lagu dilay ayaa la sheegay in ahayeen kuwa si weyn u dhibaateyn jiray dadka shacabka ah ee deggan deegaanka Cee Cilaan ee gobolka Gedo.
Sidoo kale qoraalka wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa la sheegay in howlgalka lagu burburiyay saldhigyo iyo gabaadyo ay kooxda kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystay gobolka Gedo.
Sikastaba, howlgalkan ayaa qeyb ka noqonaya howlgallada ay ciidanka xoogga dalka ka wadaan deegaannada iyo degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugan yihiin qaar kamid ah gobollada Dalka.

Leave a Reply