Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibana dilay Taliye koox

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee xoogga dalka, ayaa maanta la soo taagay askari katirsan ciidanka xoogga oo dilay Taliye koox kaddib markii uu Taliyaha isku dayay inuu walaashiis ka celiyo gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay, Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Xuseen  oo walaashiis ka weyn u gacan qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka,  falka ayaa dhacay 17-dii bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Leave a Reply

Your email address will not be published.