Raxanreeb (Muqdisho ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomay mooshin cusub oo ka dhan ah hanti dhawrka qaranka kaas oo ay gudbiyeen xubno mid ah Golaha shacabka. Mooshinkan ayaa la sheegay in ay gudbiyeen xubno ka mid ah ilaa 20 xildhibaan kuwaas oo la sheegay in gacanta ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha...
Day: July 22, 2023
Sarkaal sare oo katirsanaa waaxda maaliyadda oo qarax lagu dilay Jowhar
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday mas’uul ka tirsanaa HirShabeelle.
Qaraxa ayaa waxaa lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ah sarkaal ka tirsanaa waaxda maaliyadda dowladda hoose ee Jowhar, kaas oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaladaasi.
Marxuumka ayaa la sheegay in markii hore uu dhaawac soo gaaray, balse mar dambe uu ku geeriyooday gudaha isbitaalka.
Sidoo kale waxaa weerarkan qaraxa loo adeegsaday ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo xilligaas ku sugnaa goobta, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Suuqa xoolaha ayaa xilliga uu qaraxu ka dhacayay ahaa mid mashquul ah, maadaama ay Sabti aheyd dadweyne fara badana ay uga yimaadee duleedka magaalada Jowhar.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay qaraxa uu ahaa mid suuqa lagu sii diyaariyay isla-markaana lagu aasay dhulka hoostiisa, kadibna lagu qarxiyay sarkaalkaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga booliska oo halkaas ka sameeyay howlgallo kooban.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay.
Jowhar ayaa waxaa horay weeraro culus uga fulisay kooxda Al-Shabaab oo marar badan is-miidaamin ku qaaday gudaha magaaladaas oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShablle.
Erdogan oo Ankara ku casuumay Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa u safri doona Turkey 28-ka July, si u wada-hadallo ula yeesho madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa sidaas Khamiistii xaqiijiyey xafiisyada labada hogaamiye.
Ismaamulka Mandheera oo sheegay in boqolkiiba 60 kamida mandheera ay maamulaan Al-shabaab
Guddoomiyaha ismaamulka Mandhera Maxamed Aadan Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in boqolkiiba 60 kamida ismaamulka Mandhera ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.
Gaadiidleyda Ku Safarta Hirshabeelle oo Ka Cabaneysa Canshuuro Xad Dhaaf ah
Beledwayne (Raxanreeb ) Gaadiidleyda ku safarta deegaannada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle ayaa cabasho xooggan waxaa ay ka muujinayaan canshuuro xad dhaaf ah oo looga qaado inta ay ku jiraan safarkooda, waxaana ay arrintaan sabab uga dhigeen khilaafka u dhaxeeya maamulka Hirshabeelle iyo guddioomiyihii hore Caji Jeyte Cismaan. Gaadiidleydaan oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dhowr...
Dalalka Islaamka oo si weyn uga carooday kitaabka Qur’aanka oo markii labaad lagu gubay dal Yurub kamida
Kadib markii koox ka soo horjeeda Muslimiinta ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah Jimcihii shalay ku gubeen magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark ayaa waxaa soo baxaya in muslimiintu ay aad uga caroodeen dhacdadala midka ah tii ka dhacday Sweden, waxayna ugu baaqeen in maamulku ka hortagaan falalka nacaybka ku dhisan ee soo noqnoqda.





