Mooshin cusub oo loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka 

Mooshin cusub oo loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka 

Raxanreeb (Muqdisho ) Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Barlamamaanka Soomaaliya ayaa maanta Guddoomay  mooshin cusub  oo ka dhan ah hanti dhawrka qaranka kaas oo ay gudbiyeen xubno mid ah Golaha shacabka.                                                                                                 Mooshinkan ayaa la sheegay in ay gudbiyeen xubno ka mid ah ilaa 20 xildhibaan kuwaas oo  la sheegay in gacanta ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa isagana dhankiisa sheegay inuu soo gaaray mooshinka ka dhanka ah , Hanti dhawrka Qaranka.                                                                                                                                        
hore waxaa u yaalay mooshin ujeedkiisu ahaa in xilka loogu tuuro Guddoomiyaha Golaha shacanka kaas oo ay wadeen xubno ka mid ah Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya sida ay sheegeen xildhibaanada qaar ee Golaha shacabka.

Guux badan ayaa ka jira xiligan Golaha shacabka , waxaana muuqanaya in ay jiri karaan mooshin kale inuu qabto Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe.
                                                                      Maalmihii u dambeeyay Baarlamaanka ayaa la daala dhacayay mooshino iyo doodo xoogan oo hareeyay kulamada baarlamaanka, waxaana u dambeeyay buuq ka dhashay kulankoodii 6-aad ee Kafadhigga 3-aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.