Month: October 2025

Home » Archives for October 2025
Golaha wasiirrada oo ansixiyay xeerka Qoondada Miisaaniyada 2026
Post

Golaha wasiirrada oo ansixiyay xeerka Qoondada Miisaaniyada 2026

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre. Kulanka golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2026 iyo Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda, kaas oo ku saabsan...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti oo Ubax dhigay halkii lagu Aas-aasay dowladnimada Soomaaliya
Post

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Jabuuti oo Ubax dhigay halkii lagu Aas-aasay dowladnimada Soomaaliya

Jabuuti ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta si wadajir ah uga qeyb galay munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Nabadaynta Soomaaliyeed ee Carta oo horseeday dib u dhiska dowladdnimada dalkeenna. Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda Soomaalida oo ah...

Madaxweynaha daka Eritrea oo u safray Masar
Post

Madaxweynaha daka Eritrea oo u safray Masar

Qaahira ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, halkaas oo uu ku joogi doono booqasho qaadan doonta shan maalmood, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sii wanaajinta xiriirka labada dal iyo sidoo...

Howlgal lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka dhacay Jubbada Hoose
Post

Howlgal lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka dhacay Jubbada Hoose

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo qorshaysan oo burburin ah ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose. Howlgalladan ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada Qoraxey, Siirey, Farbulaay,...

Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya xoojinta xiriirka dhanka socdaalka iyo amniga
Post

Soomaaliya iyo Finland oo iska kaashanaya xoojinta xiriirka dhanka socdaalka iyo amniga

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulan heer sare ah la qaatay  Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Finland (FIS), oo wehlinayeen Safiir Kuxigeenka Ahna kusimaha Safiirka dowlada Finland ee Soomaaliya, Taliye Kuxigeenka Booliiska, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Amniga Xuduudaha ee dalkaasi. Kulanka ayaa mid daba socday safarkii wafdiga...

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho
Post

Kulan looga hadlayay amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda, kaas oo lagu lafa-guray xoojinta amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Inta lagu guda jiray kulanka, Taliyaha ayaa faray saraakiisha iyo ciidanka Booliska ee ka howlgala amniga garoonka Stadium...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti
Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti

Jabuuti (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey caasimadda Dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeybgalayo Munaasabad lagu xusuusanayo dadaalkii dowladda Jabuuti ee qabashada Shirweynihii dib u heshiisiinta Soomaalida iyo dib u yagleelidda Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar...

Baarlamaanka Puntland oo buuxiyay kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Abwaan
Post

Baarlamaanka Puntland oo buuxiyay kursigii uu baneeyay Cabdirashiid Abwaan

Garoowe ( Raxanreeb Online) Axmed Jaamac Maxamed Idiris ayaa si rasmi ah u noqday mudane ka tirsan golaha wakiilada Puntland, kaddib markii uu buuxiyay booskii uu baneeyay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Puntland ayaa lagu dhaariyay xubintan, kaddib markii uu soo maray habraacyadii sharci ahaa ee loo baahnaa, sida uu dhigayo xeer-hoosaadka...

Kenya oo ka hortagay weerar kooxda AS, ay qorsheynayeen inay ka fuliyaan Garissa
Post

Kenya oo ka hortagay weerar kooxda AS, ay qorsheynayeen inay ka fuliyaan Garissa

Garissa ( Raxanreeb Online) Dowladda Kenya, ayaa sheegtay in ay fashilisay weerar ay maleeshiyaadka Al-shabaab, qorsheynayeen in ka fuliyeen gobolka Waqooyi Bari. Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Special Operation Group (  SOG), ayaa guul ka gaaray howlgal ay kaga hortageen isku dayga weerarka Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ka geystaan deegaan u...

Yahuuda oo duqeyn ku dishay in ka badan 50 qof Falastiiniyiin ah
Post

Yahuuda oo duqeyn ku dishay in ka badan 50 qof Falastiiniyiin ah

New York ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacada maanta sheegay in “waxba” aysan khatar gelin doonin xabbad joojinta Gaza, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysatay Qaza oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​60 qof “Waxay dileen askari Israa’iili ah, sidaas darteed Israa’iiliyiintu way ka jawaabeen, waa inay ka...