Siciid Deni ““Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin in mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran maayo”

Garoowe (Raxanreeb online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta khudbad u jeediyay, ayaa si weyn uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta,  gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee dalka haatan uu ku jiro ay tahay midii ugu xumeed abdi, waxa uuna ka digay in dalka dib loogu celiyo xaaladihii uu kasoo gudbay, laguna laabto mar kale gogoshii shirkii dib u heshiisiinta ee magaalada Carte ka dhacday oo kale.

Dhanka kale,  Siciid Deni ayaa ku baaqay in dib loo eego xaalada hadda dalka ku jiro , waxa uuna ku taliyay in la saxo qaladaadka hadda jira lana xoojiyo meelaha ay ka dabacsan tahay dowladnimada Soomaaliya, lagana hortago wax kasta oo dib u dhac abuuri kara.

“Soomaaliya yaan fursad dambe loo siinin mar labaad qadka inta ka baxdo dib loo yagleelin shir dib u heshiineed oo ballaaran oo Soomaali hadda ha la’isku keeno la oran maayo, waxaa haboon maanta meesha aan joogno inaan dib uga noqonin Carte iyo shirarkii lamidka ahaa, laakiin meelaha ay ka liiceyso inaan ka toosino aan ku darsano xisaabta” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa kale ee madaxda ka ah dowlad goboleedyada dalka ka jira in ay ilaaliyaan dastuurka dalka u yaalla uu sheegay in umadda Soomaaliyeed heshiis ku tahay iskulana joogaan.

“Waxaa sidoo kale fursaddan uga faa’ideysanayaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada iyo cid kasta oo mas’uul ah in ay ilaaliso waxa dadka heshiisku ku yahay” ayuu yiri Siciid Deni.

Sikastaba, hadalka Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu meel xun marayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale haddana uu khilaaf ka dhax curtay Villa Soomaaliya iyo Madxaweynaha Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.