Ciidamada dowladda Soomaaliya oo 24 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay gobolka Shabeellaha Hoose.

 Shabeellaha Hoose (Raxanreeb online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay dileen 24 ka tirsan Al-Shabaab, 30 kalena ay dhaawaceen, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Howlgalkan oo ay fuliyeen guutada todobaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu beegsaday xaafado yar yar oo ay ka mid yihiin Kaliga, Libaaxaale, Kaharow, Doonka iyo Buulalow, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ay isku uruursanayeen maleeshiyaad hubeysan.

“In ka badan 24 maleeshiyo ah ayaa ku dhintay, in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sidoo kale ciidamada ayaa burburiyay mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen kooxda, inkastoo maleeshiyada ay la carareen boorso ay dawooyin ku jireen,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Federaalka.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Axmed Cabdi Cali Axmed Gaashaan, isagoo ku nuux-nuux saday in weerarada noocaan ah ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab laga saarayo Gobolka.

“Ma joojin doono ilaa aan Al-shabaab ka sifeyno Shabeellaha Hoose” ayuu yiri.
Tallaabadan ciidan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul-gobolleedyada ay uga hadlayaan arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.