ASMARA: Kulamo udhexeeyo madaxda Masar, Somalia & Eritrea oo maanta ka furmaya Asmara.

Asmara (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, kaddib martiqaad rsami ah uu ka helay dhigiisa dalkaasi Afwerki.

Sidoo kale, magaalada Asmara, ayaa maanta sidoo kale lagu wadaa in uu gaaro Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al Sisi oo isna martiqaad ka helay Madaxweynaha Eritrea, waxaana magaalada Asmara ka socota qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Madaxweynaha Masar.

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Masar,  ayaa sheegay in  madaxweyne Al Sisi iyo madaxweyne Afwerki ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan xaaladaha gobolka iyo dadaalada lagu xoojinayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrila iyo Badda Cas.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in magaalada Asmara kulan saddex geesood ah ku yeeshaan Madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, kuwaa oo kawada hadli doono xaalada gobolka , gaar ahaan xiisada xilligan dalalkaasi kala dhaxeysa Itoobiya.

Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, ayaa la filayaa in ay sameestaan isbaheysi cusub oo ka dhan ah dowladda Itoobiya, waxaana muddooyinkii dambe sii xoogeesanayay iskaashiga ka dhaxeeya saddexda dal ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Leave a Reply

Your email address will not be published.