Faah faahin: Gabar dhallinyaro ah oo lagu dilay degmada Ufaayn ee gobolka Bari

Ufayn ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay gabar dhallinyaro ah oo lagu dilay deegaan hoostaga degmada Ufayn ee gobolka Bari ee maamulka Puntland

Goob joogayaal kamid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in gabadha rasaas qeybta jirkeeda looga toogtay, isla markaana ay u geeriyootay.

Alle ha u naxariistee, ayaa lagu magacaabi jiray Maymuun Maxamed Gaacshe, waxa ayna aheyd gabar dhalinyaro ah oo dadka deegaanka ay aad u yaqaaneen.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka, mana jiro qof loo qabtay ilaa hadda, balse laamaha amniga ayaa wada baaritaan, halka dadka deegaanka ay dalbadeen in cadaalad loo helo marxuumadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.