Shabeellaha Dhexe ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo sacaadihii lasoo dhaafay laga fuliyay deegaano ku kala yaalla gobollada Shabeellaha hoose, Jubbaland iyo Hir-shabeelle.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in deegaanka Buula-fulaay ee gobolka Shabeellaha hoose, lagu beegsaday xubno katirsan Al-shabaab, iyada goobta lagu dilay horjogayaal iyo maleeshiyaad katirsan kooxda.
Isla duqeyn kale oo diyaaradaha ay ka fuliyeen degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, lagu beegsaday horjogaal katirsan Al-shabaab, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Geesta kale deegaano hoostaga degmada Aadan Yabaal, ayaa kamid ah meelaha ay diyaaradaha dron-ka ay doonta ka fuliyeen, inkasto aan faah faahin laga bixinin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ee duqeymaha ka taageera, ayaa kordhisay maalmihii dambe duqeymaha ay ku beegsaneyso goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply