Mucaaradka oo ku dhawaaqay banaanbax ka dhan ah dowladda

Muqdisho (Raxanreeb Online) Madasha samata-bixinta mucaaradka ayaa ku dhawaaqay banaanbax nabadeed oo ay kaga soo horjeedaan dowladda burburinta ay ku heyso dhulka dadka shacabka ah ay dagan yihiin.

Xubnaha mucaaradka oo kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay in maalinta sabtiga ah ee 27-ka bisha, ay go’aan ku gareen banaanbaxa nabadeed in ay Muqdisho ku qabteen, iyaga oo sheegay in dareenkooda ay la qeybsanayaan dad laga barakiyay dhulka.

“Maalinta sabtiga ah waxaan qabaneynaa banaanbax ka dhici doona Tarbuunka, Deyniile iyo Siinaay, ugama hadli doono doorasho iyo dastuur” ayuu yiri adaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale madaxweyne Shariif, ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda, ay keeni doonaan isku dhacyo dhexmara dowladda iyo mucaaradka, haddii aysan joojin isku dayada ay ku dooneyso in ay ku caburiso mucaaradka, xiliyada ay soo bandhigayaan aragtida qaldan ee dowladda.

Sikastaba, go’aanka ka baxay mucaaradka ee banaanbaxa, ayaa ku soo beegmaya xili shalay iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka uu ka dhacay saldhigga degmada Warta-nabada ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale weli dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka banaanbaxa nabadeed ee ay ku dhawaqeen madasha samata-bixinta mucaaradka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.