Midowga Yurub oo ka shiraya cabsida dayaaradaha bilaa duuliyaha ee ka soo wajahday Ruushka

Copenhgen ( Raxanreeb Online) Hogaamiyayaasha Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Copenhagen si ay uga wada hadlaan arrinta la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu arkay garoomada Denmark iyo xadgudubyada uu Ruushka ku hayo hawada Midowga Yurub.

Ujeedada kulankan ayaa ah sidii loo xoojin lahaa ammaanka Yurub, isla markaana looga hotagi lahaa khatar ka imaaneysa Ruushka.

“Marka loo eego Yurub, waxaa jira hal waddan oo doonaya inuu na cabsi geliyo, waana Ruushka, waana sababta aan ugu baahannahay inaan si adag uga jawaabno,” Ra’iisul wasaaraha Denmark Madge Ferliksen ayaa u sheegay suxufiyiinta.

Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa taageeray qorshaha darbiga lakabyada kala duwan leh ee dayaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo ku lug yeelan doona dabagalka degdegga ah iyo soo rididda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka.

Horaantii bartamihii Sebtembar, Romania ayaa sidoo kale sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay ay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.