Nairobi ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta magaalada Nairobi kulan ku yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland iyo xubno katirsan madasha samata-bixinta mucaaradka, waxaana kulankooda ay uga hadleen xaalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalka.
Shirka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni madaxweynaha Puntland, iyo Ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdi Saciid Faarax Shirdoon iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Bbayaan kasoo baxay xubnahan ayaa lagu sheegay in Kulanka looga wada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray, sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale.
Geesta kale bayaanka ayaa sheegay in ay isku raaceen in si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka.
Sikastaba, kulankan ayaa ku soo aadaya xili madaxweynaha Soomaaliya Xasna Sheekh uu dhowaan sheegay in xaliyo dhinacyada ka aragti duwan dowladda, isla markaana uu miiska wada-hadalka uu ku soo laabtay.


Leave a Reply