Hargeysa ( Raxanreeb Online) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hawlgal ay sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ku soo qabtay maamulka iyo shaqaalaha Ha’yadda Consilient Limited Company, kadib markii Ciidanka lagu wargeliyay in hay’addu waddo arrimo ku lid ah “jiritaanka qaranimada Somaliland”.
Qoraalka kasoo baxay hogaanka Baadhista Dambiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Somaliland, oo sameeyay baaritaan qoto dheer, ayaa xaqiijiyay in warkaas uu ahaa been abuur, isla markaana aanay jirin wax barnaamij ah oo noocaas ah oo ay hay’addu qabanaysay.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa sheegay in uu bulshada u caddaynayo in wararkaasi yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay ka mid yihiin barobogaandada lagu marin habaabinayo bulshada.
Ciidamada Booliska ayaa tilmaamay in ay wadaan baaritaan ballaaran oo lagu ogaanayo cidda ka dambaysay faafinta wararkan been abuurka ah, si sharciga loo horgeeyo.

Leave a Reply