Madaxweyne Xasan Sheekh oo markale tagaya magaalada Kismaayo & Ujeedka safarkiisa

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Sida ay ilo wareedyo inoo xaqiijiyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa markale tagi doonaa magaaada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in madaxweynaha uu kulan gaar ah la qaadan doono hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, isaga oo kala hadli doonaa khilaafka mudda sannadka taagan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulkiisa.

Kulanka oo noqonaya kii labaad oo muddo bil gudaheed ay yesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayaa la rajeeynayaa inuu noqdo mid miro dhal ah oo xal loogu helo khilaafkan daba dheeraaday.

Sidoo kale warar madax banaan ayaa tilmaamaya in hoggaamiye Axmed Madoobe, uu qaban doono doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo cod, taasi oo suura gelin doonta qorshihiisa Villa Somalia ay laheyd.

Qabsoomida kulanka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ayaa la tilmaamay in ay suuragelisay dowladda Kenya, taasi oo hoggaamiyaha Jubbaland ku cadaadisay aqbalaada kulanka madaxweyne Xasan Sheekh.

5 bishan ayay aheyd markii safar qaatay muddo labo cisho ah uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Kismaayo, iyada oo kulanka labada dhinac uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.

Wixii wararkan ku soo kordho halkan kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.