Bakool ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Abal, oo qiyaastii 20 kiiloomitir u jira magaalada Xudur, ayaa lagu beegsaday horjooge Maxamed Cabdi Maxamed Nuur, oo magaciisa khawaarijta uu yahay “Goofoow”.
Saraakiisha ciidanka xoogga ayaa sheegay Horjoogahan la dilay inuu mas’uul ka ahaa saldhigga kooxda ee deegaanka Abal, wuxuuna ka mid ahaa shaqsiyaadka qorsheeya weerarrada argagaxisada ee lagula kacayay shacabka gobolka Bakool.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale howlgalka ku soo furtay qorigii iyo boorsadii uu watay horjoogaha la khaarijiyay, taas oo ay ku jireen dukumiintiyo iyo qalab kale oo muhiim ah.



Leave a Reply